279 Views

Ciidamada ammaanka Afghanistan oo xabsiga u taxaabay haween dhigayey mudaharaad ay uga soo horjeedaan xayiraadda waxbarashada jaamacadaha

Ciidamada ammaanka Afghanistan oo xabsiga u taxaabay haween dhigayey mudaharaad ay uga soo horjeedaan xayiraadda waxbarashada jaamacadaha
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 22, 2022


Ciidamada ammaanka Afghanistan oo xabsiga u taxaabay haween dhigayey mudaharaad ay uga soo horjeedaan xayiraadda waxbarashada jaamacadaha haweenka laga saaray.

Muuqaal haweenka mudaharaadaya laga soo duubay aya amuujinaya haween badan oo isugu soo baxay magaalada Kabul kuna dhawaaqaya halku dhigyo ka dhan ah dowladda Taalibaan uu hoggaamiyo.

Maleeshiyada Taalibaaniyiinta ayaa hor istaagay haweenka mudaharaadayey kaddibna xabsiga u taxaabay ugu 5 ka mid ah haweenki mudaharaadayey iyo wariyeyaal dhowr ah.

Mudharaad kaa la mid ahna waxay ka dhaceen gobolka Takhaar oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Arbacadi ciidamada ammaanka waxay hor istaageen arday badan oo haween ah oo jaamacadaha wax ka baranayey inuu jaamacadaha galaan, maalin un kaddib marki maamulka afghanistaan uu haweenka ka mamnuucay waxbarashada sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post