1017 Views

Khilaafka ka taagan doorashadda Jubbaland oo xoogeystay

Khilaafka ka taagan doorashadda Jubbaland oo xoogeystay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 18, 2019 —MWaxaa xoogeystay Khilaafka ka taagan doorashadda maamulka Jubbaland ka dib markii xubnaha beesha Caalamka iyo Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay is dhaafsadeen dhowr Warqadood oo ku saabsan Hanaanka doorashadda Jubbaland.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa hadda kusoo biiray Khilaafka ka taagan doorashadda maamulka Jubbaland ka dib markii ay sheegeen in aysan taageeri doonin natiijadda doorashadda maamulka Jubbaland.

James Swan Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya qoraal uu u diray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland.

“Guddiga doorashada haddii uusan wax ka qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland” ayuu sii raaciyay James Swan.

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray warqad ay ugu jawaabayaan qoraakii alay kasoo baxay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa mkarka lagu faah faahiyay geedi socodkii doorashada guddiga iyo howlaha doorashooyinka, iyaga oo beeniyay inaysan dhex dhexaad aheyn,kadib markii horay loogu eedeeyay inay u xaglinayaan musharax Gooni ah.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ay sharci daro ku tilmaantay habkii loo soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Maamullka Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa ku adkeystay in hanaanka ay wax ku socdaan ay sax yihiin, islamarkaana 22 Bishaan ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Guddiga ayaa taageero ka helaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Kismaayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment