351 Views

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed oo bogaadiyey mar kale dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed oo  bogaadiyey mar kale dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Axad: January 15 2023  

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku bogaadiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha oo dowladdu ay xaqiijisay inay xirtay in ka badan 250 Akoon oo lacagaha baadda ah ay dadka uga qaadan jirtay Khawaarijtu.

Mr. Guuleed ayaa ku dhiirageliyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka in ay sii laba jibaaraan dagaalka lana ciribtiro Khawaarijta.

“Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhinacyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynihii hore ee Galmiudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagan dowladda iyo laamaheeda kala duwan si looga adkaado kooxaha argagixisada oo har iyo har hooyaad u diiday ummadda Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post