459 Views

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeyvbgalay Addis Ababa

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeyvbgalay Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kaga qeybgaly magaalada Addis Ababa shir heer sare ah oo ay soo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD.

Shirkan oo soconayay muddo sedex maalin ah ayey ka soo qaybgaleen dowladaha Xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD waxaana looga hadlayey Joogtaynta Xalka Waara ee U-adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray baahida loo qabo waxqabadka Bini’aadantinimo, Joogtaynta Xalka Waara iyo Sare u qaadida u adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyovDaaqa XFS Mudane Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa ka warbixiyey Xaalada Abaaraha Dalka iyo saamaynta ay ku yeesheen dhamaan bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan sida ba’an ay u saamaysay dadka, xoola dhaqatada iyo sugnaanta cuntadda ee dalka.

Wasiiirka ayaa ku tilmaamay Abaarta ka dhacday Soomaaliya ay tahay mid aad u daran, Abaarahan kusoo noq-noqday Soomaliya sannadihii la soo dhaafay in ay abuureen u nuglaansho joogto ah ee abaarta iyo aafooyinba kale oo ay weheliso cunto-yaraan, caqabado dhaqaale oo baahsan, barakac, iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aadanimo, gaar ahaan bulshooyinka reer miyiga ee xoolo dhaqatada.

Si xal-waara loogu helo abaaraha soo noqnoqonaya ayuu Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Somali) ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto xaaladaha cakiran ee iminka jirta Soomaaliya, ka dibna si wadajir ah oo heer gobal ahaan aan ulanimaadno istiraatiijiyaddo iyo qaabbab cusub oo horumarineed.

Wasiiir Maxamed Soomaali waxa uuu ku booriyey siyaasado iyo barnaamijyo ka turjumaya Dowladaha Xubnaha Urur Goboleedka IGAD, kuna jihaysan baahiyaha ballaaran ee xoolaha sida Daaqa, Biyaha, Caafimaadka Xoolaha, Wax-soosoorka Xoolaha iyo Sare u qaadida Nolasha Bulshooyinka Xoola Dhaqatada iyo dadyawga Reer miyiga ah.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa la isla gaaray is afgarad u dhexeeya dalalka ku bahoobay maamul gobeleedka IGAD ee Madasha Hindishaha Joogtaynta Xalka Waara ee u adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka ee loosoo gaabiyo IDDRSI iyo sida taageero loogu heli lahaa mashaariicda IDDRSI isla markaana la iskaga kaashan lahaa dhaqan galintooda

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post