1269 Views

Taliska Ciidamada Dhulka Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Howlgallada Ka Socda Dalka

Taliska Ciidamada Dhulka Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Howlgallada Ka Socda Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 03, 2019 –Xaalada deegaannadii ay la wareegeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa saakay degen iyadoo howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab ay halkoodii kasii socdaan.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada inay yihiin kuwii dhibaatooyinka ugu badan ee dhaca iyo Boobka ah ee Al-Shabaab ugu gaysan jireen Shacabka,waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay inay Howlgaladaan sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga dul qaadayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kalena sheegay inay jiraan Qaraxyo Al-shabaab ay ku diyaarinayeen Goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment