324 Views

Soomaali meydkiisa laga badbaadiyay in la gubo

Soomaali meydkiisa laga badbaadiyay in la gubo
____________________________________________________________________________

Talaado, 27 December [QARANIMO ONLINE] Marxuum Jamaal Cumar Cali oo ahaa Soomaali, kuna jiray xero qaxooti ah oo ku taal xaafada Zoutkamp oo ka tirsan Magaalada Hogeland, ee dalka Netherlands ayaa laga badbaadiyay in meydkiisa la gubo, sida uu sheegay C/naasir Xassan Cali oo ka mid ahaa dadkii marxuumka ay xerada qaxootiga ku wada jireen.

Marxuumka oo ku geeriyooday isbitaalka Magaaladaas ayaa la doonayay in la meydkiisa la gubo.

“Jamaal wuxuu ahaa sharci suge, maadaama uusan weli sharci helin, eheladiisuna aysan la joogin, qoladii kaamka waxay damceen inay meydkiisa gubaan” Ayuu yiri C/naasir oo ka mid ahaa dadka xeradaasi ku jira.

C/naasir, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in marxuumka laga badbaadiyay in meydkiisa la gubo markii uu arrinta soo farageliyay Guddoomiyaha Jaaliyadaha Soomaalida C/qaadir Cali [Nuune].

“Sida caaddada ah; qofka marka uu geeriyoodo haddii la waayo wax ehelkiisa ah ama aan la aqoosan oo uusan caymis [Verzekeringen] ku jirin waxaa dhacda in la fududeeyo oo ay gubaan sida dadka caddaanka oo aan diinta haysan; Markii aan hubsanay in ay doonayaan in ay gubaan waxaan la xiririnay Guddoomiyaha Jaaliyadaha Soomaalida C/qaadir Cali Nuune, oo si toos ah ula soo xiriiray maamulka degmada [Gemeente huis] wuxuuna hor istaagay in meydkaasi la gubo” Ayuu yiri Cabdinaasir, wuxuuna kaga mahadceliyay Nuune dedaalkiisa.

“Guddoomiyaha Jaaliyadaha Soomaalida wuxuu la fadhiistay howl-wadeenadii xerada, kuwii degmada & duqii magaalada, wuxuu qaatay mas’uuliyad la mahdiyay, wuxuu ku yiri madaxdii kaamka & mas’uuliyiintii degmada, qof kasta oo Soomaali ah annaga ayaa ka mas’uul ah, waana nagu waajib ah inaan sida ay diinteenu qabto u asturno” Ayuu yiri C/naasir, isaga oo intaasi raaciyay in hadalkaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen Duqii Gobolka & howl-wadeenadii xerada qaxootiga.

“Duqa gobolka markii uu arkay sida ay Soomaalidu isugu gurmaneyso wuxuu madasha ka yiri: ixtiraam weyn ayaan u hayaa Soomaalida haddii ba ay isu gurmanayaan iyaga oo aan is aqoon” Ayuu yiri C/naasir, wuxuuna intaasi raaciyay in duqa gobolka Henk Jan Bolding dalbaday inuu ka qeybqaato qarashaadka ku baxaya aaska, sidoo kalena uu ka codsaday Guddoomiye Nuune inuu ka soo qeybgalo aaska Marxuumka.


C/naasir, waxaa kale uu intaasi ku daray in marxuumka lagu wado in lagu aaso qabuuraha muslimiinta Magaaladaasi Zuidlaren.


“Qabuuraha ururka muslimiinta Zuidlaren iyaga ayaa maalinta Arbcadda ah lagu aasayaa, waxaanna meydka lagu wareejiyey Masjid Quba, oo loo xilsaaray in sida shareecadu qabto soo meyraan, qabrigana keenaan” Ayuu yiri C/naasir, wuxuuna ka codsaday dadka Soomaalida ah haddii ay fursad heli karaan in ay aaska kala soo qeybgalaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post