954 Views

Wasiirkii waxbarashada Jubbaland oo Kismaayo lagu aasay

Wasiirkii waxbarashada Jubbaland oo Kismaayo lagu aasay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 10 2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal dadweynaha ree Jubbaland oo madax iyo shacab iskugu jira ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo laga soo dajiyay Meydka Alle ha u Naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim ku sugayay mudo saacado ah waxaana markii Meydka la keenay diyaarada ka dajiyay Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa Diyaarada waday meydka Alle ha u Naxariistee wasiirka la socday qaar kamid ah eheladiisa iyo xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ah iyo xubno kale kuwaas oo Magaalada Kismaayo u yimid sidii aaska Wasiirka ay uga qaybgali lahayeen.

Meydka ayaa la geeyay qubuuraha ku yaala duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo salaada janaasada ah lagu tukaday iyadoo Saalada ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne kala duwan ah.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dadaal badan ku bixisay sidii meydka wasiirka loogu Aasi lahaa loona keeni lahaa Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhawaan gudi gaar ah u magacaabay sidii loo keeni lahaa meydka wasiirka isla markana loogu aasi lahaa Magaalada Kismaayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment