1050 Views

Abiy Ahmed oo sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto la shaqeynta ciidamada Eritrea

Abiy Ahmed  oo  sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto la shaqeynta ciidamada Eritrea
____________________________________________________________________________

Isniin June 21 2021

 

Wareysi gaar ah oo ay BBC-da la yeelatey ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayuu sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto la shaqeynta ciidamada Eritrea, kuwaasoo kula dagaalamaya mucaaradka Tigreega waqooyiga dalkaasi.

Ciidanka dalkan dariska ah, kuwaasoo ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda Itoobiya, ayaa lagu eedeeyey xasuuq, kufsiga haweenka, hor istaagidda gargaarka bani’aadanimo, taasoo loo wado goobaha dadka uggu nugul ay kunool yihiin.

Bishii ina dhaaftey ee Maarso, Abiy ayaa balan kuqaaey in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan gobolka waqooyi ee Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale u sheegay BBC-da in dowladdiisa ay kala shaqeyneyso ciidamada Sudan dhanka iyo gobolkaTigreega, laakiin ma aanu faah faahin heerka ay gaarsiisan yihiin ciidankaasi.

Abiy ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada isagoo kusugan tuuladiisa Beshasha, halkaasoo uuugga sharaxan yahay xildhibaan baarlamaanka federaalka Itoobiya ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post