816 Views

Xaalada Ajaanib ku go’doomay degaannada Soomaaliland oo laga deyrinayo

Xaalada Ajaanib ku go’doomay degaannada Soomaaliland oo laga deyrinayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-13-2020–Magaalada Beebera ee degaannada Soomaaliland waxaa ku go’doonsan ilaa 8 Kalluumeyato u dhalatay dalka Hindiya kana soo jeeda Imsaaulka Tamil Nadu, kuwaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku sugnaa halkaas.

Kalluumeysatadaan 8-da ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Viswanathan oo 47-jir ah, Wiilkiisa oo Cheran oo 22-jir ah, Chithravel oo 27-jir ah , Muthukrishnan oo 28-jir ah, Suresh oo 35-jir , Manimaran oo 34-jir ah iyo Prabhu oo 27-jir ah,waxaana dhamaantood ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo.

Sida lagu daabacay Hindu Tamil Kalluumeysatadaan ayaa waxaa heysta dhibaatooyin ay kamid yihiin Hooy la.aan, Cunto la’aan , Daryeel la’aan iyo xaalado kale oo ka dhashay Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Xubno la Magac baxay dhaq dhaqaaqa u dooda Kalluumeysatada Tamil Nadu ayaa ugu baaqay dowladda Hindiya inay soo badbaadiso kalluumeysatada ku god’oonsan meelo kamid ah dalka Soomaaliya, kadib qandaraas ay kula jireen mid kamid ah Shirkadaha Kalluumeysi ee ka jira Soomaaliland.

Mid kamid ah Xubnaha u dooda Kalluumeysatada Tamil Nadu oo lagu Magacaabo Deeran Thirumurugan ayaa sheegay in Shaqooyinkii ay u hayeen Shirkadda ay qandaraaska la galeen uu caqabad ku noqday Cudurka Coronavirus,isla markaana Kalluumeysatadaasi loo baahan yahay in dib loogu celiyo dalkooda.

Majirto ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Soomaaliland oo ku saabsan Warbixintaan lagu qoray Tamil Nadu ee sheegeeysa in Kalluumeysato u dhashay dalka Hindiya ay dhibaatooyin kala duwan ku heystaan Magaalada Berbera.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post