624 Views

Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland

Madaxweynaha Puntland oo  xilka ka qaaday Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland
____________________________________________________________________________

khamiis: September 30, 2021

 `

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA Cabdulqaadir Cali Xirsi.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa maalin ka hor qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dhaqaalihii iyo shaqadii hay’addaas ay si sharci-darro ah ula wareegtay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa hay’adaas si kumeel gaar ah ugu magacaabay guddoomiye ku xigeenkii Cabdirisaaq Maxmed Xayir oo isagu ka horyimid eedeynta guddoomiyaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post