861 Views

Maxay dadku ka dheheen wadahadalkii Madaxweyne Farmaajo iyo Barham Saalix?.

Maxay dadku ka dheheen wadahadalkii Madaxweyne Farmaajo iyo Barham Saalix?.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 07 2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Ciraaq Barham Saalix ayaa xalay qadka Taleenka ku yeeshay wada hadalka ay uga arinsadeen dagaalka lagu jiro ka hortaga xanuunka Dilaaga ah ee Coronavirus.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo isdhaafi qibrada ladagaanka Urada logo yeeraro argagaxisada oo ay dagaal kula jiraan Dowladda Carbeed ee Ciraaq iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray,”Waxaan khadka telefoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha dalka Ciraaq walalakay Barham Saalix. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka aan kula jirno ka hortagga COVID19 iyo in 2da dal ay yeeshaan khibrad is dhaafsi ku saabsan ciribtirka fikirka xagjirka ah: Barham Saalix” ka dib wada hadalkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay bartiisa Twitterka ku xiranyihiin in ka badan 367K oo qof ayaa waxaa falceliyay dad badan oo isweydiinaya Maxaa Soomaaliya ugu baahantahay dalka Ciraaq oo la daala dhaca qaxooti,dagaalo, Musuq iyo dibad baxyo ka dhashay Musuq maasuqa ku baahay hay’adaha dalkaasi.

Halkaan ka ayaa ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah dadkii falceliyay qoraalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee isweydinayay waxa Soomaaliya ugu baahantahay dalka Ciraaq oo haatan ka soo ka banaya Colaado.

“Madaxweyne oo hada Ciraaq Maxaa Dan Ah Oo Noogu Jirto Xiriirkooda Waa Dal Naga Liita Dhan Walba Amni Hadii La Dhaho Anaga Ayaa 100% Ka Fiican Dhanka Nolosha Iyo Dagnaashaha Anaga Ayaa Ka Fiican .. Mar Walba Waxaa La Fiiriyaa Dadka Kaa Koreeya Lama Fiiriyo Kuwa Kaa Hooseeya MUDANE”

“Oo ciraaq maxay inoo haysaana?”

“Waan soo dhoweynayaa xidhiidhka cusub ee aynu la yeelan doono, dalka ciraaq”.

“Somalidu waxay ku maahmaahda ( mudul dumay ‘ mudul dumaya kama naxo ) iraq maba lulate maxay leefta madaxwayne dalalka barwaqo sooranka ah la hadal iraq waxba so kordhin mayse”.

“Allaha sahlo ! Ciraaq maxay naga caawin karaysaa ? waxaa u fiicnayd inuu yidhaahdo madaxwaynaha Ciraaq ayaa bisha barakaysan darteed salaan khadka telefonka ii soo mariyay”.

“Mahadsanid mudane madaxweyne inkasto ciraaq eysan wax weyn na dhaamin hadane wlltnimada iyo cilaaqadka wanaagsan wax kafeecan malhan”.

“Walaal badnidaa ninyahow. Kuwii walaalahaada runta ahaana wax uma qabatide”.

“Labo qaawaan isma qaado”.

“Bishaar Al-assadna ha hilmaamin Madaxweyne isna”.

“Mudane Madaxweyne Arimaha Gudaha xooga saar Arimaha dibada Hadda wax faa’iido ah makeeneyso Somaliland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle , jubaland. Sidii mid qura unoqon lahaayeen”.

“Nin ciraaqi markuu arkana wuxuu leeyhy oo somalia maxay haysaa waaba gaajee waa la isku wareersanyhy”.

“Iraq waxey khibrad u ledahy ladagalanka argagixisada iyo xakameynta qaraxyada sida Bagdad”

“Oo ciraaq waa wadan burbursane .maxaynu ka faaiidaynaa mudane madaxda caalamka G20 la hadal ama qol isku soo xidh. ama samee sidad uga guulaysan lahayd covid19 isaga oo aan dilun inta uu immika dilay bulshadada mar danbe qorshe la immo mudane madaxweyne”

Dadka ka falceliyay qoraalka Madaxwynaha ayaa qaarkood ku bogaadiyay Madaxweynaha Soomaaliya xariirka wanaagsan oo uu la leeyahay wadamada Diba iyo guud ahaan Wadama Carabta oo ay Ciraaq ka mid tahay, halka kuwa kalena Madaxweynaha ka dalbadeen in uu ciraaq kala hadlo sida loola dagaalamo urarada loogu yeero Argagixisada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment