537 Views

Wasiiradii Dhaqanka dowlada Baxreyn oo Xilka looga qaday Markii ay salaanta ka qaadi waysay danjiraha Israa’iil u jooga dalkeeda

Wasiiradii Dhaqanka dowlada Baxreyn oo Xilka looga qaday Markii ay salaanta ka qaadi waysay danjiraha Israa’iil u jooga dalkeeda
____________________________________________________________________________

 

 

Talaado: July 25, 2022

Wasiiradii Dhaqanka dowlada Baxreyn Sheikha Mai ayaa xilka laga qaaday kaddib markii ay diidey inay gacan qaaddo ama ay salaanto danjiraha Israa’iil u jooga dalkeeda.

Mai oo ka qayb gelaysey Munaasabad ay joogeen safiiro badan ayaa la rabey in la baro danjiraha Israa’iil oo gacanta u soo taagay balse Wasiirada ayaa weji bedel muujisey gacanteeda ayayna gadaal u ceshatey, taasoo uu ka xumaaday danjiruhu.

Sheikha Mai ayaa lahayd mowqifyo cad waxaana si weyn loogu yaqaannay inay weligeed ka soo horjeedey xiriirka Israel, arintaasoo ay ku kasbatay taageero badan.

Boqorka Baxreyn Hamid bin ciisa ayaa maalmo ka dib ku dhawaaqay inuu xilka ka qaaday Wasiirad Sheikha Mai iyadoo dalka Baxreyn ka maqan.

Sheikha Mai oo si kooban uga hadashay arrintan ayaa soo dhoweysay talaabada xilka looga qaaday.

“Aad baan u soo dhoweynayaa in xilkii Wasiir la iga qaaday waana Suno in xilka laguu dhiibo, lagaana qaaddo, hase ahaatee weligey kama tanaasulayo mowqifkayga waan u mahadcelinayaa dadkii tirada badnaa ee daafaha dunida fariimaha taageerada ah iiga soo diray, weligey waxaan ahaan doonaa Shaykha-dii aad taqaaneen ee dareemaysey xanuunkiina, dadka dunida oo dhan haddii ay hal wado maraan oo ay xaq daro isku raacaan, anigu waan ka harayaa oo waxaan raacayaa jidka xaqa ah ” ayey Tiri Sheikha Mai oo ka tirsan Qoyska Boqortoooyda Baxreyn.

Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada ayaa arrintan si weyn looga hadal hayey saacadihii la soo dhaafay, iyadoo dadku ay ay uga fel celinayeen siyaabo kala duwan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post