846 Views

Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah

Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah
____________________________________________________________________________

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Kutulow oo hoostaga degmada Qorof-xaraar ee gobalka Wajeer.

Dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay degaanka Kutulow, kaas oo dadka degaanka ay sheegeen in mararka qaar hubka ay isku ridayaan labada dhinac uu Xaafadaha kusoo dhacayay.

Saraakiisha Ciidamada Kenya sirasmi ah uma shaacin khasaaraha Ciidamadooda kasoo gaaray dagaalkaas, hayeeshee ay sheegen inay iska difaaceen weerarkii kaga ymid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay degaanka ku sugan yihiin.

Qaar kamid ah dadka degaanka Kutulow oo hoostaga degmada Qorof-xaraar ee gobalka Wajeer aya waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay jiran dad Shacab ah oo dagaalka labada dhinac ku dhaawacmay.

Weerarkaan xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ku leeyihiin degaan ka tirsan Gobolka Wajeer ayaa kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay weerareen Ciidamo Kenyan ah oo ilaalo ka hayay Gaari ku safrayay inta u dhaxeya degaannada Oola iyo Sarmaan oo hoostaga degmada Raamuu oo  tirsan gobalka Mandheere ee dalka Kenya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post