1224 Views

Sheekh Caan ah oo ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Muqdisho

Sheekh Caan ah oo ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  28, 2019 –Waxaa isasoo taraya khasaaraha  dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay qarax gari loo adeegsay oo ka dhacay maqaayad u dhow Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho.

Warar haatan soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa Maanta uu ku dhaawacmay Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Majmaca Islaamka.

Sheekha ayaa la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay uu goobta ku sugnaa,waxaana qaraxa sidoo kale uu geystay khasaaro dhimasho mid dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Shiikh Yuusuf Cali Caynte ayaa ah Aabaha Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment