459 Views

Taliyaha xoogga oo dhiggiisa Kenya kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Taliyaha xoogga oo dhiggiisa Kenya kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

 

Arbaco: February 1, 2023 

 Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo maanta soo gaaray Muqdisho.

labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Al-Shabaa  oo dhibaato ku ah ammaanka labada dal.

Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Kenya General Robert Kariuki ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka isagoo Ballan qaaday in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ATMIS ay door weyn ka qaadan doonaan.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisu uga mahad celiyay Kenya doorka ay qaadaneyso howlgallada Shabaab looga xoreynayo dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post