1152 Views

SAWIRO: Madaxweyne Xaaf oo la kulmay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka

SAWIRO: Madaxweyne Xaaf oo la kulmay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October15–2019 —Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa  kulan kula qaatay magaaladda muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug.

 

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ahaa dhagaysi iyo talo aruurin la xariiro sharciga doorashooyinka Qaranka.

 

Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore soo dhaweeyay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka,isagoona uga mahadceliyay juhdiga iyo waqtiga ay ku bixinayaan sharciga doorashooyinka qaranka ee soo diyaarintiisa uu guddigaan KMG ah uu gacanta ku haayo.

 

Golaha wasiiradda galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka usoo bandhigay guddiga.

 

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug in ay guddiga ga ogolaadaan in ay kulan wadatashi ah oo la xarrriiro sharciga doorashooyinka qaranka ay wada yeeshaan.

 

Ugu dambeyntii kulanka uu Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

 

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment