714 Views

Shirka golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya

Shirka golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa in uu maanta Shir gudoomiyo Shirka golaha wadatashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonnaa wada shaqeynta maamuladda iyo dowladda dhexe.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in ay ka wada hadlaan qorshayaasha hortabinta u leh dowladda Cusub ee Soomaaliya ee dhawaan dalka ka dhalatay.

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda  gaaray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkan oo uu kaga qeybgalayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee saaka u furmaya Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post