1458 Views

Sawirro:-Ciidamada Jubbaland Oo Saakay Dhaq Dhaqaaqyo Ka Wada Gobolka Jubbada Hoose

Sawirro:-Ciidamada Jubbaland Oo Saakay Dhaq Dhaqaaqyo Ka Wada Gobolka Jubbada Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 05  2019 —Wararka saakay naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbada ay saakay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Afmadow.

Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa saakay gaaray tuulooyin hoostaga degmada Afmadow,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanad ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Maalma ka hor degmada Afmadow waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo diyaarado lagu geeyay,kuwaas oo laga daabulay Magalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhawaan sheegay in Maamulka Jubbaland ay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanad ay gacanta ku hayaan sigaar ah Gobolka Jubbada Dhexe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment