552 Views

Alshabaabka Xaruntoodu tahay Muqdisho oo Digniin Culus u Diray Shacabka ku nool Mudisho

Alshabaabka Xaruntoodu tahay Muqdisho oo Digniin Culus u Diray Shacabka ku nool Mudisho
____________________________________________________________________________


khamiis: February 17, 2022

 Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Muuse Cabdi Carraale ayaa sheegay iney bilaabeen weeraro toos ah oo lagu qaadayo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Carraale oo horey u ahaa afhayeenka kooxdii Xisbul Islaam ee ku biirtay Al-shabaab oo la hadlayey warbaahinta Al-shabaab ayaa tilmaamay in weerarkii habeen ka hore lagu qaaday degmooyin ka tirsan Muqdisho ay hub iyo saanad badan kaga furteen Ciidamada dowladda.

Al-shabaab hub iyo saanad ma soo iibsadaan balse ciidamada dowladda Federaalka ayey ka furtaan isla iyaga ayaana dib ugu weerarnaa” ayuu yiri

Carraale ayaa ku goodiyey inay maalmaha soo socda Muqdisho ku qaadi doonaan weerarro toos, isagoo shacabka ugu baaqay iney ka fogaadan goobaha iyo xarumaha ay joogaan ciidamada dowladda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post