738 Views

Mucaaradka Erdoğan oo ka horyimid kaalmo dhaqaale oo dowladda Turkigu ugu yaboohday Soomaaliya.

Mucaaradka  Erdoğan oo ka  horyimid kaalmo dhaqaale oo dowladda Turkigu ugu yaboohday Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Dhinacyada mucaaradsan madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si adag uga horyimid kaalmo dhaqaale oo dowladda Turkigu ugu yaboohday Soomaaliya.

Dowlaha Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa maalmo ka hor kala saxiixday heshiis ku saabsan kaalmo dhaqaale oo gaaraysa $30 malyan oo Dollar, taas oo dowladda Turkigu siinayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ha yeeshee, xisbiyada mucaaradka Turkiga ayaa ka horyimid tallaabadan, waxaana ay sheegeen in dalkooda ay ka jirto dhaqaale la’aan daran, islamarkaana uusan awoodin uu lacagta intaas le’eg siiyo Soomaaliya.

Lacagta uu Turkigu ballan-qaaday Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa, xilli Soomaaliya ay ka bilaabatay doorashada madaxtinimada 2021, taas oo lagu dooranayo labada Aqal ee Baarlamanka iyo madaxweynaha dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post