963 Views

Dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Tunisia oo sii xogaystay

Dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Tunisia oo sii xogaystay
____________________________________________________________________________


Isniin: September 27, 2021

Dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Tunisia ayaa sii xogaystay waxaana ay ku fideen dhawr magaalo oo kale waxaana dadku ka cabayaan dhibaatooyin dhaqaale oo dalkaas ka jira iyo in awooda wadanka uu la wareegay m/weynaha.

Boqolaal kun oo qof ayaa iskugu soo baxay dhawr magaalo oo ay caasimada ugu weyn tahay waxaana jira in dadka qaar xireen wadooyinka muhiimka ah ee caasimada ah.

Dawladu waxay sheegtay in ciidamo tiro badan la geeyay wadooyinka si ay dadka u celiyaan.

M/weynaha Tunisia Keys Saacid ayaa bishii july ee sanadkaan wiiqay awoodii baarlamaanka shaqadana ka eryay r/wasaarihii dalkaas taasoo ugu dambeyn kentay in dibad baxyo bilowdaan.

Mucaaradka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid uu m/weynuhu talada wadanka kaligiis la wareegay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post