1854 Views

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka degaanada Puntland oo eedeeyn u jeediyay RW Kheyre

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka degaanada Puntland oo eedeeyn u jeediyay RW Kheyre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 01- 2018 —Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda ku sugan degaanada Puntland.

Waxaa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in Madaxweynaha Puntland uu dhagax dhigo Dekedda Garacad, iyadoo oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku sugan yahay degaanada Puntland.

Waxa ay sheegeen in lagu qanci waayay Kheyre in uu taggo degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo uu dekedda Dhagax dhigo.

War kasoo baxay Dallad ay ku mideysan yihiin Siyaasiyinta kasoo jeedda degaanada Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay Nasiib daro weyn Kheyre in  uu diido horumarinta Puntland.

“Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer” ayaa lagu yiri Warka.

Waxa ay intaa kusii dareen”Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland”

Sidoo kale qaar ka mid ah waxgaradka maamulka Puntland ayaa dhaliilay booqashadda uu Puntland ku jooggo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment