867 Views

Koofur galbeed oo shaacisay doorashada afar kursi oo taala Beydhabo.

Koofur galbeed oo shaacisay doorashada afar kursi oo taala Beydhabo.
____________________________________________________________________________


axad: February 27, 2022

Guddiga Doorashada Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta shaaciyay kuraas deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beydhabo oo Golaha Shacabka ah.

Kuraasta ayaa gaaraya Afar kursi kuwaa oo ay sheegeen Guddiga in doorashadooda la qaban doono todobaadkaan sida uu qorshuhu yahay.

Waxaana ay tirsigoodu kala yihiin kuraastaas: 1- HOP#275, HOP#230, HOP#HOP#183 iyo HOP#178.

Wali waxaa Magaalada Beydhabo ku harsan doorashada kuraas ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, Inkastoo Degmada Baraawe oo ah deegaan doorashada 2aad ee Maamulka Koonfur Galbeed lagu doortay 26 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, waloow ay jiraan cabasho iyo eedeymo kale duwan oo loo jeediyay Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo la xiriirta sida ay u maareeyeen doorashada kuraastaas

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post