90 Views

Dhagaysiga labaad ee Kiiska loo haysto Sayid Cali oo ka socda Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Dhagaysiga labaad ee Kiiska loo haysto Sayid Cali oo ka socda Maxkamadda Gobolka Banaadir.
____________________________________________________________________________

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa markii labaad lagu dhagaysanayaa kiiska loo haysto Sayid Cali Macallin Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Luul Cabdicasiis Maxamed oo marwadiisa ahayd oo ugu dambayn u geeriyootay dhaawaca kasoo gaaray dabkaas.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ee eedaha kasoo jeedinaya Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay caddaymo ay ku xoojinayaan kiis-dacwadeedka uu kusoo oogayo Sayid Cali Macallin Daauud oo qudhiisa haysta qareenno ka difaaca eedahaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa labada dhinac ee doodda u dhaxaysa ku wargeliyay in ay soo bandhigaan caddaymaha dhinac weliba uu hayo si maxkamaddu ay u dhagaysato Doodahooda.

6 ruux oo ka marag-kacaya waxa ay arkeen, maqlayn ama ka xog-ogyihiin ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay waxaana ay mid kamid ah uu sheegay in uu arkay Sayid Cali oo wata Caag Baasiin ku jira kahor inta uusan shilku dhicin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post