999 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Goor Dhow Gaaray Magaalada Baladweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Goor Dhow Gaaray Magaalada Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12,, 2019  –Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa markii uu gaaray Madaxweyne Waare waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha Hirshabeella Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa hada Shir Albaabada u xiran yihiin uu la leeyahay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale Kulankaas ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale,isla markaana waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaalada siyaasadeed eek a taagan Gobolka Hiiraan.

Ammaana guud ee Magaalada Baladweyne ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaana Ciidamo dheeraad ah la dhigay Xarunta Madaxtooyadda Gobolka,iyadoona la xiray inta badan Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa halkaasi

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment