816 Views

Lafta Gareen “Dadka Qaylinaya dib ha u fiiriyaan, waxay horay usoo sameeyeen

Lafta Gareen  “Dadka Qaylinaya  dib  ha u fiiriyaan, waxay horay usoo sameeyeen
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo xalay hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf aheyd oo sagootin loogu sameynayey ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan.

Munaasabadaas oo ka dhacday magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayuu Lafta Gareen ka sheegay in guddiyada hadda laga cabanayo afar sano ka hor sidaan oo kale loo magacaabay.

“Dadka shiraya ee diiddan guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan, waxay horay usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad horay u soo sameyseen” ayuu yiri Lafta Gareen.

Waxa uu sheegay in dadkii ugu haboonaa ay u xusheen xubnaha ku metelaya guddiyada, isagoo goobta ka yeeriyey magacyadooda, waxuuna sheegay in aysan wax xil ah ka heyn Koonfur Galbeed ama dowladda dhexe.

“Dadka guddiyada ka cabanaaya ha is weydiiyeen adigu maxaad soo sameysay” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post