1359 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo ku soo wajahan Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku soo wajahan Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 30, 2021

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay kusoo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho, iyagoo kasoo ambabaxaya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe  ayaa waxaa safarkiisa Muqdisho uu ku imaanayo ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa  waxaa uu ka qeyb gali doonaa  Shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee looga hadli doono sixida khalalaadka ka jira doorashada dalka iyo dardar-gelinteeda arrimaha doorashooyinka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka qeyb galaya Shirka uu Iclaamiyey R/wasaare Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post