669 Views

Magacaabista Golaha Wasiirada oo Lagu daray 10 maalin

Magacaabista Golaha Wasiirada oo Lagu daray 10 maalin
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

lo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu codsan rabo in 10 maalmood oo dheeraad ah loogu daro muddada uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada.

Kulan u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa goordhow soo idlaaday, iyadoo wararku sheegayaan in looga hadlay arrintan 10-ka cisho ee dheeraadka la siiyo Ra’iisul Wasaaraha, si uu usii dhameystiro wadatashiyo horay ugu socday oo ku saabsan dhismaha Golaha Wasiirada.

Curfiga Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ahaa in 30 maalmood gudahood lagu soo dhiso Golaha Wasiirada, marka la ansixiyo Ra’iisul Wasaaraha, taasoo dhaqan soo jireen aheyd illaa 1960-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post