594 Views

Midowga Musharixiinta oo ka digay in la siyaasadeyo Arrinta dhalinyarada ku maqan Ereteriya

Midowga Musharixiinta oo ka digay in la siyaasadeyo Arrinta dhalinyarada ku maqan Ereteriya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 20, 2021—Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xeris Maxamed ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin Cabashada Waalidiinta Soomaaliyeed ee Carruurtooda tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya, balse Nolol iyo Geeri ay ku la’yihiin.

Shir jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku sheegay inay arkeen Waalidiin farabadan oo carruurtooda la geeyay Ereteriya balse ka walwalsan in laga qeyb geliyay dagaalkii TPLF ee Waqooyiga Itoobiya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay ka digayaan in la siyaasadeeyo Waalidiinta qaba walaaca oo aysan weli arkin Carruurtooda, isaga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in uu si cad ugu faah faahiyo halka ay jiraan Dhalinyaradaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maalin ka hor beenisay Wararka sheegayay in Dhalinyaro farabadan oo tababar Ciidanimo loogi qaaday Ereteriya ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhanka ahaa Kooxdii TPLF ee ka dagaalameysay Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post