729 Views

Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo dib ugu laabtay degaanadooda

Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo dib ugu laabtay degaanadooda
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu  laabtay Magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Jubbaland iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa Garoowe kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka Puntland iyo dad kale oo loo diyaariyay soo dhaweynta Madaxweynaha.

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay guda galaan wax ka beddelka xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaal oo cabasho ka timid.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post