1023 Views

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Madaxweyne Waare Oo Ka Socda Baladweyne

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Madaxweyne Waare Oo Ka Socda Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 10,, 2019  –Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan  ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta uu ka socdo Banaanbax looga soo hor jeedo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa isugu jira Haweeney,Caruur iyo Odayaal da’ah,isla markaana waxaa ay ku taageerayaan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa xiray qaar kamid Wadooyinka dhexmara gudaha Magaalada Baladweyne,waxaana ay wataan boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Yuusuf Dabageed,isla markaana ay ku qoran yihiin Erayo ay uga soo hor jeedaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan  in meelaha qaar uu hakad ku jiro isku socodka Gaadiidka iyo ganacsiga,waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidamada amniga Baladweyne.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa si cad u diiday inuu xilka wareejiyo,kadib markii Madaxweyne Waare uu xilka qaadis ku sameeyay,isagoona Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay  Cali Maxamed Caraale

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment