690 Views

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo soo gaaray Muqdisho.
____________________________________________________________________________

.

Jimco: January 8, 2021

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe xuseen ayaa soo gaaray Magalada Muqdisho  markii ugu horreysay isagoo ah Madaxweynaha Maamulkaasi, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mdi yihiin Xildhibaanno iyo wasiiro, waxaana sidoo kale Soodhaweyntiisa ka qayb qaatay Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi cali Cabdullaahi Cosoble.

Maadxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay Imaanshiyihiisa Muqdisho ayaa sheegay in howlo shaqo ku yimid Magaalada Muqdisho, waxaana jira warar kala duwan oo ku aaddan sababta cali Guudlaawe Muqdisho uga soo dagay.

Cali Guudlaawe tan iyo markii loo doortay Maadxweynaha Hirshabeelle waxaa isi-soo tarayay Caqabadaha uu wajahayo maamulka Cusub, waxana Gobolka Hiiraan looga dhawaaqay jabhad hubeysan oo kasoo horjeesatay Maamulkiisa, waxaana Xusid Mudan in uusan wali tagin Gobolka Hiiraan tan iyo markii la doortay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post