1212 Views

Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Hogaamiyeyaasha Mareynka iyo India

Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Hogaamiyeyaasha Mareynka iyo India
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13da Maarso, 2021La Taliyaha Amniga Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in shirkii uu Madaxweyne Joe Biden la yeeshay madaxda dowladaha Australia, India iyo Japan jimcihii, looga hadlay caqabadaha ka imanaya Shiinaha iyo arrimo kale.

Jake Sullivan ayaa intaa ku daray in hogaamiyayaasha ay sidoo kale ka hadleen xorriyada socdaalka dadka  koonfurta iyo bariga Shiinaha, arrinta Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, iyo afgambigii rabshadaha watay ee ka dhacay Myanmar.

Bayaan ay soo saareen afarta hogaamiye ayaa waxay ku baaqeen in dib u habeyn hufan lagu sameeyo Ururka Caafimaadka Adduunka, waxayna sidoo kale isku raaceen in la balaariyo dadaalada lagu soo saarayo talaalada Corona iyo in si cadaalad ah logu qeybi waddamada Caalamka.

Madaxweyne  Biden ayaa sheegay intii lagu gudajiray kulankan khadka tooska ah in Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta uu sare u qaaday heerka kobaca Mareykanka sanadkan, tanina ay horseed u noqon doonto xawaaraha kobaca dhaqaalaha adduunka.

Biden wuxuu carrabka ku adkeeyay in xorriyadda iyo furfurnaanta baddaha Hindiya iyo Baasifigga ay muhiim u yihiin mustaqbalka afartan dal, isaga oo intaas ku daray in wada jirka dalalkan ay muhiim u tahay xal u helida qalalaasaha ka jira qeybo ka mid ah Caalamka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post