300 Views

Saameyn xooggan oo ka dhashay daadadka Koonfur Afrika

Saameyn xooggan oo ka dhashay daadadka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________


Axad:: April 17, 2022

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dhimashada ku dhawaad 400 oo qof, burburka kumanaan guri, kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale saameynta dhaqaale ay ka tageen.

Waxa uu bilowgii toddbaadkan booqday goobaha daadadka ay saameeyeen ee gobolka KwaZulu-Natal balse wixii markaas ka dambeeyay, tirada dhimashadu ayaa si xawli ah sare ugu kacaysay.

Waxaa wali la la’yahay dad aad u fara badan oo ay daadadku saameeyeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in saddex boqol iyo sagaashan iyo siddeed qof ay dhinteen.27-na kalana ay wali maqan yihiin.

BBC-da ayaa la hadashay dadka ay dhanka maskaxda ka saameeyeen daadadka ee aan haysan cunto iyo biyo, isla markaana aan garanayn halka ay seexanayaan ka dib markii guryahooda uu daadka qaaday.

Roobab dheeraad ah oo Sabtidii ka da’ay ayaa kordhiyey khatarta fatahaado kale. Dowladdu waxay u qoondaysay lixdan iyo siddeed milyan oo doolar si loogu gurmado dadka dhibaataysan.

Kooxaha samatabbixinta ee Canine ayaa la geeyay qaybo kala duwan oo ka tirsan gobolka, laakiin fursadaha lagu heli karo kuwa badbaaday ayaa aad u yar.

Dadaalada lagu raadinayo kuwa badbaaday ayaa waxaa sidoo kale caqabad ku noqday in qaar ka mid ah hawl-wadeennada baldoosyada wax qodayay ay u tageen fasaxa Ciidda masxiiga ee Easter-ka awgii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post