375 Views

17 qof oo ku dhintay gantaalo uu Ruushka ku garaacay magaalo ku taalla Ukraine

17 qof oo ku dhintay gantaalo uu Ruushka ku garaacay magaalo ku taalla Ukraine
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

 

Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa shaacisay in ugu yaraan 17 qof ay ku dhinteen gantaalo Ruushka uu ku garaacay koonfurta bari ee magaalada Zaporizhzhia.

Sidoo kale waxa hseegtay in Tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen, halka ay ku burbureen dhismayaal dhowr ah oo la dego.

Magaaladu waxaa gacanta ku haysaa Ukraine, balse waxa ay ka mid tahay gobol uu Ruushku sheegay in uu la wareegay bishii hore.

Zaporizhzhia ayaa si isdaba joog ah loo garaacay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Ruushka uu dib ugu bilaabay magaalooyinka ka dib markii uu guuldarrooyin kala kulmay koonfurta iyo waqooyi-bari ee Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post