888 Views

Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Xisbiyadda dalka ka jira

Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Xisbiyadda dalka ka jira
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 23, 2019 –Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Xisbiyadda dalka ka jira ee ay diwaangaliyeen Guddiga doorashooyinka Qaranka.

 

Xubno ka mid ah xisbiyadda ayaa Risaala u sheegay in Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda uu ku wargaliyay Casuumadda Madaxweyne Farmaajo.

 

 

 

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo xisbiyadda ayaa ka dhici doona Madaxtooyada Qaranka maanta.

 

Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasada ee diiwaan gishan ayaa qaadacay Kulanka maanta ee Madaxweyne Farmaajo la yeelanayo Xisbiyada siyaasadda ee diiwaan gishan.

 

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo waxyaabaha laga wada hadli doono, waxaana casuumaadaan ay timid xilli maallo ka hor uu la kulmay Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment