1032 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shirar uga qeyb galay dalka Nigeria

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  oo shirar uga qeyb galay  dalka Nigeria
____________________________________________________________________________

Isniin: july 5, 2021

Cabdulcasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”, oo ah Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa u amba baxey dalka Nigeria, isagoo gaarey caasimada Itoobiya ee magaalada Addis Ababa.

Lafta Gareen iyo wafdigiisa, ayaa waxaa ku qaabilay magaalada Addis Ababa safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac.

Cabdulcasiis Lafta Gareen, ayaa waxaa qeyb ka ah safarkiisa qaar katirsan wasiiro iyo hawl wadeenada maamulkaasi.

Faah faahin lagama bixin sababaha uu uggu amba baxey dhanka iyo dalka Nigeria Madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed Cabdulcasiis Lafta Gareen.

Safarada ay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya dibadda uggu amba baxaan, si ay xiriir ula sameeyaan dalalka hoos ayey u dhaceen waayadii danbe.

Xigasho: Radio Muqdisho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post