1515 Views

Sawiro:-Amar lagu soo rogay Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed

Sawiro:-Amar lagu soo rogay Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 12, 2018 —Baydhabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12-11-2018, waxaa shir aan caadi aheyn isugu yimid Golaha Wasiirada Dowladda maamulka Koonfur Galbeed kaasi uu shir-guddoominayay sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda KGS Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna.

Kulanka Waxaa looga hadlayay xaalada guud ee amniga KGS iyo in wasaarad waliba wixii agab ah ay hayso, iyadoo qoraal ahaan ah u keenaan xafiiska Madaxweynaha KGS si xiligan kala guurka ah aysan u dhicin ku tagrifal awoodeed.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlaayay sidii loo dardargalin lahaa howlaha maamulka tan iyo inta Madaxweynaha cusub ee la doortaa uu xilka la wareegaayo.

Ugu dambeyn Sii-hayaha Madaxweynaha ayaa wasiirada faray in ay waajibaadkooda shaqo sii wataan.

W/Q:-Bashiir Barre 

Xafiiska Wararka QW/Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment