630 Views

Booliska dalka Canada oo sheegay in uu kordhay Dilalka ka dhaca dalkaas sida Maraykanka oo kale Sanadkaan

Booliska dalka Canada oo sheegay in uu kordhay Dilalka ka dhaca dalkaas sida Maraykanka oo kale Sanadkaan
____________________________________________________________________________


Talaado: November 9, 2021

Booliska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dilalka ka dhacay magaalada oo ay ku jiraan kuwa loo adeegsaday qoryaha ay kordheen sanadkan marka loo eego sanadkii tagay.

Hubka sida sharci darrada ah kusoo galaya magaalada, ayaa la sheegay inay sabab u tahay kororka dilalka la xiriira toogashada.

Sidoo kale Canada ayaa Bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay Dilal kala Duwan oo ay ku jiraan Somali isku disha Toorey, waxa uuna Canada ka mid ahaa Dalalka caalamka ugu amaanka badan, waxaana la sheegay in uu ku soo qul qulo Hubka lagu gado Dukaamada Maraykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post