1530 Views

Puntland Iyo Somaliland Oo Is-Dhaafsanaya Maxaabiis Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq

Puntland Iyo Somaliland Oo Is-Dhaafsanaya Maxaabiis Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 02,, 2019  –Sida wararka lagu helayo maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa inay is-dhaafsadan Maxaabiistii ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Maalin berri oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 3-da Bisha June 2019,ayaa waxaa la filayaa ay Maxaabiistaas labada dhinac ay kala heystaan Is-dhaafsadaan,kadib markii horey labada maamul ay ugu heshiiyeen.

Dhawaan ayay aheyd maamulka Somaliland sheegay in uu Cafis Madaxweyne lagu sii daayay 14 Maxaabiis ah,kuwaasi oo ay ku sheegeen inay Puntland uga qabteen dagaalkii ka dhacay Gobolka Sool,hayeeshee ay Puntland beenisay arrinkaas ah in Maxaabiis la sii daayay.

 

Sidoo kale Puntland ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku heysto saddex Maxbuus ah,isla markaana horey ay u sii daaysay 16 Maxaabiis ah oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq.

 

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa dhowr jeer oo horey dagaallo xoogan oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment