507 Views

Mareykanka oo ku hanjabay inuu tallaabba ka qaadayo militariga Suudaan

Mareykanka oo ku hanjabay inuu tallaabba ka qaadayo militariga Suudaan
____________________________________________________________________________

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antonty Blinken ayaa sheegay iney Washington diyaar u tahay iney tallaabbo ka qaadayo saraakiisha ciidamada Suudaan ee hortaagan in talada dalka lagu soo celiyo dowlad rayad ah.

Blinken wuxuu sheegay saraakiisha ciidamada ugu sarreeya haddii ay rabitaanka shacabka Suudaan ay meel marin waayaan ay cawaaqib xumo la kulmayaan.

“Ma rabno inaan wixi hore dib ugu laabanno, waxaanna diyaar u nahay in aan u jawaabno kuwa doonaya in ay hor istaagaan himilooyinka shacabka Suudaan ee ah in la helo dowlad rayid ah oo dimuqraadi ah oo u istaagta isla xisaabtanka, cadaaladda iyo nabadda” ayuu yiri.

Labadi bilood ee la soo dhaafay Mareykanka wuxuu soo saarayey baaqyo ka aaddan inuu ka soo horjeedo afgambiga militari ee ka dhacay dalka Suudaan.

Dowladda Militariga ee Suudaan waxay maanta jareen adeegga internetka iyada oo maanta markale la qorsheynayo inuu dalka Suudaan uu ka dhaco mudaharaad kale oo lagu dalbanayo iney ciidamadu talada dalka wareejiyaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post