930 Views

Antony Blinken oo la kulmay xubno ka tirsan qowmiyadda Uyghurs ee Chaina lagu Xasuuqay

Antony Blinken oo  la kulmay xubno ka tirsan qowmiyadda Uyghurs ee Chaina lagu Xasuuqay
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 7, 2021

Xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Taladadii la kulmay xubno ka tirsan qowmiyadda Uyghurs oo ka badbaaday xeryo oo ku yaal gobolka Xinjiang ee China, waana dadaal lagu doonayo in lagu horumariyo xuquuqda aadanaha laguna muujinayo “xasuuqa” ay Beijing ku hayso Musliimiinta.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Blinken uu doonayay inuu si toos ah uga dhageysto toddobadii maxbuus ee hore loo xiray, ehelka dadka kale ee weli xiran iyo u doodayaasha xuquuqda aadanaha dadkaas.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Ned Price ayaa sheegay in ujeedka kulanku uu ahaa in la muujiyo ka go’naanta Mareykanka ee ah inuu “ku baaqo in Shiinuhu uu joojiyo sii wadista dambiyada ka dhanka ah aadanaha iyo xasuuqa ka dhanka ah Uyghurs iyo xubnaha kooxaha kale ee qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.

“Mareykanku wuxuu si cad oo joogto ah uga hadlay xadgudubyada iyo xasuuqa socda ee ka dhacaya Xinjiang,” ayuu yiri Price.

Price ma uusan sheegin magacyada shakhsiyaadka kulanka la qaatay xoghayaha arrimaha dibadda.

AP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post