1278 Views

SAWIRO:-Ciidamo ka tirsan DANAB laguna tababaray Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

SAWIRO:-Ciidamo ka tirsan DANAB laguna tababaray Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Fadaralka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Ahna Taliye Ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Cutubka ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga

 

Ciidanka Soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa Mudo ku dhaw sanad waxa ay tababar ku qaadanayeen gudaha dalka Turkiga

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamadaan kaga Mahadceliyay qaabka Wanaagsan ay tababarka u qaateen mudadii ay joogeen dalka Turkiga

 

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa dowladda Turkiga kaga Mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka

 

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment