396 Views

Zelensky oo ka digniin ka soo saaray damaca Ruusha ee dalka Ukraine

Zelensky oo ka digniin ka soo saaray damaca Ruusha ee dalka Ukraine
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo hadal-jeedintii maalinlaha ahayd u jeedinayay shacabka dalkaasi ayaa sheegay in hadalka Ciidamada Ruushka uu yahay in ay qabsadaan Donbas iyo Koonfurta Ukraine, waa sida uu hadalka u dhigee.

Sidoo kale, Waxa uu sheegay in ciidamada Ukraine ay hadda dedaalkooda u wareejiyeen dhanka Bariga, halkaas oo uu tilmaamay in Ruushka ay culeeska isugu geynayaan si ay u qabsadaan.

Subaxnimadii hore ee saakay, qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay magaalada dekeda ah ee Odesa ee Badda Madoow ku taala. Lama hubo waxa halkaasi ka dhacay, balse mas’uul dowladda Ukraine ka tirsan ayaa sheegay in duqeyn xagga cirka ah ay dhacday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post