249 Views

Indonesia oo joojisay iibinta Sharoobada Caruurta lasiiyo, kadib markii ay dhinteen 100 caruur ah

Indonesia oo joojisay iibinta Sharoobada Caruurta lasiiyo, kadib markii ay dhinteen 100 caruur ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Dowladda Indonesia ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday dhammaan dawooyinka sharoobada iyo dareeraha ah kadib markii ku dhawaad 100 carruur ah ay u dhinteen dhaawac ba’an oo kelyaha kasoo gaaray.

Mamnuucidda lagu dhawaaqay maanta oo Arbaca ah ayaa timid iyadoo maamulka caafimaadka ee dalkaasi ay baarayaan kororka tirada carruurta ee dhaawaca kelyaha u dhintay sanadkan.

Kor u kaca dhimashada caruurta dhaawaca kasoo gaaray Kelyaha ee Indonesia ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dawladda Afrikaanka ah ee Gambia ay baareyso dhimashada 70 carruur ah oo lala xiriiriyay sharoobada paracetamol ee loo isticmaalo daaweynta qandhada, daawadaas oo ay ka buuxaan heerarka xad dhaafka ah ee maadooyinka diethylene glycol iyo ethylene glycol.

Fadeexaddan ayaa la xiriirta afar daawo sharoobo lagu soo sameeyey wadanka Hindiya.

Dalal badan oo kamid ah kuwa soo koraya oo ay ku jiraan Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada loo iib geeyo daawooyinka lagu soo sameeyo wadanka Hindiya, iyadoo la sheego daawoyinkaasi inaysan marin baaritaano dhameystiran.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post