1425 Views

Labo gabdhood oo walaalo ah oo sheegay in uu aamusiinayo nin ay ka cabanayeen in uu kufsi u geystay.

Labo gabdhood oo walaalo ah oo  sheegay in uu aamusiinayo nin ay ka cabanayeen in uu kufsi u geystay.
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021

 Labo gabdhood oo walaalo ah ayaa sheegay in uu aamusiinayo nin ay ka cabanayeen in uu kufsi u geystay, kaasoo ay sheegeen in uu ka gudbiyay dacwad ku saabsan sababta ay arrintaas u sheegeen.

Gabdhahan oo mataano ah, laguna kala magacaabo Verity iyo Lucy ayaa eedeynta ninka kufsaday iyo magaciisaba ku shaaciyay baraha bulshada kaddib markii ay booliska iska xireen kiiskooda.

Hase yeeshee isagu wuu beeniyay eedeymaha ay usoo jeediyeen, wuxuuna dalbaday amar maxkamadeed oo lagu qarinayo aqoonsigiisa.

Verity, Lucy iyo ninka ayaa markii hore isku raacay heshiis iyaga u oggolaanaya in ay dhacdadii ay la kulmeen baraha bulshada ku soo bandhigaan, isagana aysan magaciisa sheegin.

Dhowr kooxood oo ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay in kiisaska kufsiga ee maxkamadaha la geeyo ay aad u yar yihiin, laakiin Wasaaradda Caddaaladda ee Britain ayaa sheegtay in wax walba loo sameyn doono sidii dadka tacaddiyada geysta loo marin lahaa sharciga.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post