498 Views

Sheekh Shariif & Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka wada hadlay doorashooyinka

Sheekh Shariif & Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka wada hadlay doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo howlo Shaqo u jooga Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya iyo dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha Sacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

” Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota ayuu yiri” Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadeen kulamo kala duwan ,iyaga oo walaac ka qaba dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post