1488 Views

Dalalka Sudan, Masar iyo Ethopia oo kawada hadli doona Biyo-xireenka Nile

Dalalka Sudan, Masar iyo Ethopia oo kawada hadli doona Biyo-xireenka Nile
____________________________________________________________________________

Muqdisho, pril 02, 2021–Wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa ku kulmi doona Sabtida inagu soo aadan Magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, si ay uga wada hadlaan muranka la xariira biyo-xireenka ee ‘Blue Nile’, sida ay sheegeen saraakiisha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Kulankan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa martigelin doona Madaxweynaha Felix Tshisekedi, oo la wareegay guddoomiyaha Midowga Afrika bishii hore, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo madaxtooyada Arbacadii, sida lagu daabacay wargeyska Jeune Afrique.

Sida oo kale wargeyska ayaa intaa ku daray in la filayo in uu ka soo qayb galo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Masar iyo Suudaan horaantii bishaan waxay ku boorriyeen DRC in ay hagto dadaallada dib loogu bilaabayo wadaxaajoodka ku saabsan muranka Biya xireenkaan dhismihiisu ku kici doono $ 4.6bn ee Doolaar-ka mareykanka ah.

Wabiga Nile, oo ah webiga ugu dheer adduunka, waa marin biyood, biyaha siiya 10 dal iska gudbo.

Itoobiya waxay sheegtay in tamarta laga dhaliyo korontada ee ay soo saarto Nile in ay daboosho baahida 110-ka milyan ee dadkeeda.

Masar oo ku tiirsan biyaha wabiga Niil qiyaastii boqolkiiba 97% waraabkeeda ayaa haddii laga jooojiyo u aragta inuu khatar ku yahay jiritaankeeda.

Suudaan, sidoo kale waxay ka baqeysaa in biyo xireenadeeda ay wax u dhimayaan haddii Itoobiya ay ku sii socoto buuxinta  wabiga, ka hor inta aan heshiiska la gaarin.

Talaadadii, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa ku celiyey walaaca dalkiisa, isagoo yidhi, “Qofna looma oggolaan doono in uu qaato hal dhibic oo ka mid ah biyaha Masar, haddii kale gobolka waxaa ku dhici doona xasillooni darro aan la qiyaasi karin”.

W/Q Mohamed Abdirahman Sheikh

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post