954 Views

“Shirka Dhuusamareeb-3 Waqtigiisa ayuu ku qabsoomayaa” Madaxweyne Qoor-Qoor

“Shirka Dhuusamareeb-3 Waqtigiisa ayuu ku qabsoomayaa” Madaxweyne Qoor-Qoor
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-10-2020-Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka qaybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo ka dhacday Magaalada Istanbul ayaa sheegay in howsha lagu gaarayo qabashada Shirka Dhuusamareeb-3 ay socoto.

Guddi sii wada howshaan ayuu shaaciyay in ay wadaan shaqada, isaga oo rajeeyay in waqtiga lagu ballamay uusan ka gudbin dhicitaanka Shirka Dhuusamareeb-3 ee Madaxda DF iyo DG oo waqti muhiim u ah Dalka kusoo beegmay.

Waxa uu ka digay wax waliba oo sababi kara in uu shirkaas burburo, maadaama waqti iyo dadaal xooggan lagu bixiyay qabsoomidda Wajiga 1-aad iyo 2-aad, rajo wanaagsan ayuu ka qabaa in Madaxda markale ay is hor fadhiistaan.

“Shirka waqtii lagu ballamay ayuu ku dhacayaa, ilaa haatan ma heyno waxyaabo keeni kara in uu dib uga dhaco xiliga qorshuhu yahay, waxa aan bogaadinayaa kaalinta Dadka Galmudug gaar ahaan Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo martigeliyay Madaxda iyo xubnaha la socday” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Shirka Dhuusamareeb-3 waa uu ka duwan yahay marka la eego heerarkii 1-aad iyo 2-aad ee uu soo maray, maadaama waqtiga xil heynta Hay’adaha Dowladda Federaalka uu sii idlaanayo, halka guddi labo min labo xubnood ah oo ay magacaabeen Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo laga sugayo Warbixin ku saabsan Doorashada Dalka.

Waxyaabaha isbadalay ee kusoo kordhay waxaa kamid ah: Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre oo kalsoonida ay kala laabteen Xildhibaannada Golaha Shacabka, kulamo gaar gaar ah oo ka dhacay Muqdisho oo aysan ka qayb ka ahayn Madaxda Puntland iyo Jubbaland, Siyaasiyiinta Mucaaradka oo la filayo in ay ka qaybgalaan iyo arrinta indhaha lagu hayo ee la xiriirta shakiga waqti kororsiga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post