483 Views

Dabeeylo xooggan oo sababay barakac oo ka dhacay Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo

Dabeeylo xooggan oo sababay barakac oo ka dhacay Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Sabti: January 29, 2022

Dabeylo xooggan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka kaceen deeggaano ka mid ah gobalka Jubbada Dhexe Gaar ahaan maagala madaxda Ku meelgaarka u aha maamulka Jubbaland ee Kismaayo.

Dabeeylaha oo Ku dhuftay xafada midnimo ayaa sababay in uu soo rogmado Bacaad. islamarkaana sababay in ay in ka Badan 60 Qoys iskaga barakacay xafadahoodii.

Qaar Kamid ah Maamulka Dagmada Kismaayo Ayaa Sheegay dhibaatada Bacaadka soo rogmanaya in ay sabab u tahay in Dhirtii degaanka la jaray oo Dhuxul laga dhigay taas oo markii hore hakin jirtay Bacaadka.

Gudoomiyaha Dagmada Kismaayo Cumar Cabdullhi maxmed faraweyne ayaa sheegaya in Bacaadka soo rogmaday Dadkii Dagnaa xafada ay sabab u tahay inay iskaga baracakeen xafadahoodii wuxuna ka dalbaday in gargaar loo fidiyo Qoysaska Danyarta ah.

Qoysaska ay dabeylo Kusoo rogmadeen Ayaa Waxaa dhowaan laga soo celiyay xeryaha qaxootiga ee Kenya Balse markale waxay Ka barakaceen xafadii Lasoo Dajiyay Kadib Dabeylo Xoogan Oo wata bacaad Oo Guryahoodii Ka barakiciyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post